Maktabka Warfaafinta ee Xarakada Al-Shabaab ee Al-Kataa'ib ayaa goor dhawayd baahiyey sawirrada qaybo ka mid ah gaadiidkii iyo saanaddii millateri ee lagu soo furtay weerarrkii dhabbo-galka ahaa ee maanta ka dhacay duleedka saldhigga Ballidoogle ee gobolka Shabeellaha hoose.
Weerarkan ayaa dhacay kadib markii ciidamada Danab oo kasoo baxay saldhigga Balli-doogle ay mintidiintu weerar dhabbo-gal ah u dhigeen xilli ay marayeen nawaaxiga deegaanka Iidoow-jallaad, duleedka deegaanka Yaaqbariweyne.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaasi si ba’an loogu jebiyey ciidamada Danab, lagana dilay ugu yaraan 17 askari, laguna soo furtay hub, saanad ciidan, diyaarad Drone ah, iyo laba ka mid ah gaadiidkii dagaalka, kuwaas oo mid kamid ah uu saaran yahay qori Dashiike ah.
Maydadka askarta Danab ayaa la sheegay in qaarkood looga cararay goobta dagaalka, kadib markii saaxiibadoodii la jebiyey ay iyagoo hab-qan ah u firxadeen dhanka Balli-doogle. Waxana sawirrada qaarkood oo aad ka arki kartaan Telegramka, ay muujinayaan qaar ka mid ah maydadka saraakiisha Danab.
Qaybo ka mida sawirrada halkan ayaad kaga bogon kartaan, halka qaybaha kalena aad kaga bogon kartaan Telegramka aanu hoos idiinkula wadaagnay:
